Home Wararka Maanta Taliyaha Militariga oo tababar u furay xoogag ku biiraya Ciidanka Birmadka (SAWIRRO)

Taliyaha Militariga oo tababar u furay xoogag ku biiraya Ciidanka Birmadka (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan oo u badan kuwo cusub oo loo qaatay inay ku biiraan Ciidanka Birmadka ayaa la sheegay in loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamadan tababarka uga furay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku bogaadiyay dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoona sheegay in guulaha laga gaaray la dagaalanka kooxaha argagixisada uu ku yimid isku duubnida iyo naf hurnimada Ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Birmadka oo dhawaan la aasaasay ayaa ah kordhin cusub, si ay gacan uga gaystaan difaaca dalka iyo burburinta cadowga.

Xoogaga Birmadka ayaa waxay ku xuquuq yihiin Booliska Koonfur Galbeed, waxaana taliye u ah Sarkaal lagu magacaabo Gaashaanle Maxamed Xasan Aadan, kaas oo Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi uu magacaabay 17-kii bishii hore ee May.

Diyaarinta ciidamadan ayaad mooddaa in loo baahday, xilli ciidamada taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee awoodda laga tuuray ay culeys amni ku hayaan Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc