Home Wararka Maanta Galmudug oo mowqif adag ka qaadatay habka ay Dowladda Federaalka u waddo doorashada

Galmudug oo mowqif adag ka qaadatay habka ay Dowladda Federaalka u waddo doorashada

by Laacib

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxay si adag uga hortimid in doorasho dhinac u janjeerta laga qabto deegaanadeeda, iyadoona adkeysay in mowqifkeeda uu yahay qabashada doorasho u dhaxeyso dhammaan saamileyda Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa ku waramaya in Galmudug uu mowqifkeedu yahay in la qabto doorasho heshiis lagu yahay, isla-markaana daahfuran.

“Dowladda Galmudug waxay mar kale caddeynaysaa mowqifkeeda qabashada doorasho loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, hufan, isla-markaana daahfuran.” Ayuu yiri Wasiirka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa duray Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta ka soo muuqday kulan uu Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu la yeeshay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Mudug, isla-markaana uu ku sugnaa Liibaan Axmed Xasan oo Dowladda Federaalka ay u waddo jegada Hoggaamiyaha Galmudug.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan uu qayb ka noqday ol-olole shakhsi la sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay “Dowladda Galmudug marna ma aqbali karto guddi doorasho oo qayb ka ah ol-olole xisbi ama musharax gaar ah. Si loo ilaaliyo hufnaanta, caddaaladda iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada waxaa lagama maarmaan ah in la helo guddi doorasho oo madaxbannaan, dhexdhexaad ah, una siman yihiin dhammaan musharaxiinta iyo xisbiyada ku tartamaya Doorashooyinka Galmudug.”

Mar uu Wasiirku ka hadlayay, sida ay ku dhici karto doorasho loo dhan yahay ayaa waxa uu yiri “Doorasho xor iyo xalaal ah, waxay ku dhici kartaa oo keliya guddi lagu wada kalsoon yahay oo ka madaxbannaan dano siyaasadeed iyo eex kasta.”

Cali Seeko ayaa intaasi ku daray “Dowladda Galmudug waxay ku baaqeysaa in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo caddaalad ah, si natiijada ka soo baxda ay u noqoto mid sharciyad, kalsooni iyo wada ogolaansho ku dhisan.”

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo markiisii labaad xilka u taagan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay xusul-duub ugu jiray, sidii uu xubno ugu yeelan lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, taas oo la fahamsan yahay in Villa Somalia ay ka soo horjeeddo.

Qaab dhismeedka Guddiga Doorashooyinka oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ku gadaaman doorashada laga qabanayo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc