Home Wararka Maanta Fiqi oo sheegay in la garaacay guri uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab

Fiqi oo sheegay in la garaacay guri uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday guri ku yaala Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo uu sheegay in uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay Isniintii afar duqaymo oo waaweyn oo xagga cirka ah ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib xogo sirdoon oo la helay.

Wasiirka ayaa sheegay in la beegsaday guri lagu magacaabo Villa Aadan Yabaal, oo ay ku shirayeen horjoogeyaasha Al Shabaab, isla-markaana uu shir guddoominayay Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa waxay afar duqaymo oo waaweyn oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Dhexe, taasoo loo qorsheeyay, laguna hagayay xogo sirdoon, lana fuliyay taariikhdu markay ahayd 27-kii bisha 7aad, 2026. Meesha la beegsaday waxay ahayd guriga Villa Aadan Yabaal la yiraahdo oo ay ku shirayeen horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al Shabaab.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Shirkan horjoogeyaasha argagixisada ayaa waxaa shir guddoominayay waali ku sheega argagixisada Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe, Yuusuf Ciise Kaba Kutukade.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in hawlgalka lagu dilay 11 ka mid ah horjoogeyaashii uu shirka gurigaasi uga socday, laguna dhaawacay afar kale.

“Hawlgalkan oo u dhacay, sidii loo qorsheeyay ayaa waxaa argagixisada Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xoogan, waxaana lagu khaarijiyay 11 ka mid ah horjoogeyaashii shirka halkaa uga socday, waxaana sidoo kale dhaawacyo culus la gaarsiiyay afar horjooge. Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu gubay afar gaadiid ah.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa xusay in hawlgalka lagu dilay laba ka mid ah ilaalada Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, kuwaas oo magacyadooda uu ku soo koobay Cabdifitaax iyo Xaashi. Waxa kaloo uu sheegay in Kaba Kutukade uu ka mid yahay xubnaha ku dhaawacmay weerarkaasi, kaasoo uu sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray.

“Horjoogeyaasha ku dhaawacmay hawlgalkan waxaa ka mid ah Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, waaliga argagixisada ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe oo runtii sida xoguhu ay sheegayaan dhaawac culus inuu halkaa ka soo gaaray.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga.

Fiqi ayaa tilmaamay in xubnaha kale ee la dilay ay ka tirsanaayeen horjoogeyaasha Al Shabaab ee Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud iyo niman u qaabilsanaa dhinaca qabaa’ilada.

“Waxaa halkaasi ka socday qorshe weeraro iyo qaraxyo la rabo in deegaanada iyo degmooyinkaasi saddexda gobol in laga fuliyo ay kooxdaasi qorsheynaysay oo loogu soo diray in Kaba Kutukade ay xoojiyaan qorshihiisa.” Ayuu yiri Fiqi.

Shabaabka ayaan ka hadlin duqayntan oo habeen hore ka dhacday Degmada Aadan Yabaal, inkastoo ay dabeecad ka dhigteen inaysan ka falcelin waxyeelada horjoogeyaasha iyo maleeshiyadooda ka soo gaarta hawlgalada socda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc