Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo booqasho ku yimid Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo booqasho ku yimid Muqdisho

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson oo booqasho ku yimid dalka.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan la xiriira taageerada hawlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo dardargelinta wada-shaqaynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AFRICOM, sida lagu sheegay war ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada hawlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo dardargelinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM.” Ayaa lagu yiri warka.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in sidoo kale kulanka looga hadlay diyaargarowga guluf ballaaran oo lagu ciribtirayo argagixisada, ayna Dowladda Mareykanka dib u xaqiijisay sii wadidda taageerada Ciidanka Xoogga Dalka.

“Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay diyaar-garowga gulufka ballaaran ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo Dowladda Mareykanku ay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada hawlgalada iyo la dagaalanka argagixisada.” Ayaa lagu sheegay warka.

Mareykanka ayaa Dowladda Somaliya ka taageera tababarka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab, qalabayntooda iyo hawlgalada hawada ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Danab oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa fuliya weerarada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsado Shabaabka, iyagoona ka qayb qaata hawlgalada dib u xoreynta dalka.

Taageerada Mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka lagu la jiro Al Shabaab, oo Washington ay u aragto khatarta ugu weyn ee xilligan ka jirta Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc