Home Wararka Maanta General Takar oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

General Takar oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

General Jimcaale Jaamac Takar ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo taliskiisu ugu weyn uu yahay Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay daba-yaaqadii isbuuca go’aansatay in sarkaalkasi loo magacaabo Taliyaha Qaybta 54aad, si ciidamadiisa ay uga hawlgalaan deegaanada Puntland.

Taliyaha cusub oo lagu tilmaamo mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee ugu awoodda badan Puntland ayaa muddo dheer ka tirsanaa Daraawiishta Puntland, ka hor inta aysan sanadkii 2023 isku dhicin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, markaas oo ciidamada uu hoggaamiyo ay la baxeen Ciidanka Danab ee Puntland.

General Takar oo xukuma dhowr boqol oo askari ayaa isaga iyo ciidamadiisu waxay bishii January ka qayb qaateen sugidda amniga ee Magaalada Laascaanood, intii lagu guda jiray booqashadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay magaaladaasi, isla-markaana kaga qaybgalay xafladdii caleema-saarka ee Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa 14-kii January sheegtay in ciidamadaasi ay yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Xoogga Dalka, oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga guud iyo soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warka wasaaradda ayaa waxaa xilligaasi loo fasirtay tallaabo ka tarjumeysa in Dowladda Federaalka ay qarameysay ciidamada ka gadooday Dowlad Goboleedka Puntland.

Magacaabidda General Takar ayaa imaneysa, xilli uu booqasho ku joogo Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Deni uu maanta ka digay fara-gelin uu sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado meelo ka mid ah deegaanada Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc