Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, isla-markaana uu u sheegay inaanan laga jawaabin duqaymaha Iran.
Madaxweynaha ayaa Warbaahinta Mareykanka u sheegay in gantaalada Israel aanay wax khasaare ah gaysan, sidaasi daraadeedna uu Israel ka rajeynayo inaysan weerarin Iran.
Madaxweynaha ayaa Warbaahinta Mareykanka u sheegay in gantaalada Iran aysan wax khasaare ah gaysan, sidaasi daraadeedna uu Israel ka rajeynayo inaysan weerarin Iran.
Trump ayaa sheegay inuu Iran u soo jeedin doono inay Mareykanka la gasho heshiis si buuxda loogu dhameynayo colaadda Bariga Dhexe.
Weerarkii xalay ay Iran ku qaadday Waqooyiga Israel ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay Iran ku qaaddo dhulka Israel, tan iyo markii 8-dii bishii April la dhaqangeliyay heshiiskii xabad joojinta ku-meel-gaarka ee ay la gashay Mareykanka.
Ururka Kataib Hezbollah ee Ciraaq ayaa Maamulka Trump uga digay inay soo fara-geliyaan xiisadda Iran iyo Israel, haddii kalena ay bartilmaameed noqon doonaan saldhigyada iyo danaha Mareykanka ee dalkaasi Ciraaq.
Iran ayaa xalay garab istaag u muujisay Ururka Xisbullah ee Lubnaan, iyadoo laga jawaabayo weerarkii ay Israel Axaddii ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut.
Ciidamada Iran oo adeegsanaya gantaalo ayaa garaacay dhowr bartilmaameed oo ku yaala gudaha Israel, oo uu ku jiro Saldhigga Ciidanka Cirka Israel ee Ramat David, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran. Saldhigga Ciidanka Cirka ee Ramat David ayaa 20km dhinaca koonfur bari uga beegan Magaalada Haifa.
Iran ayaa toddobaadkii hore sheegtay in xabad joojinta Lubnaan ay fure u noqon doonto heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka gobolka, taas oo ka dhigan inaanay heshiis cusub saxiixi doonin, iyadoo aan xabad joojin laga samayn Lubnaan.
Trump ayaa xalay ku adkeystay in heshiisku uu suurtagal yahay, ma ahan oo keliya buu yiri suurtagal, laakiin uu dhow yahay.
Trump ayaa u muuqdo mid aan diyaar u ahayn in dagaal kaloo ballaaran haatan lala galo Iran, iyadoo Xisbigiisa Jamhuuriga uu isku diyaarinayo doorashada xilliga dhexe Mareykanka ee la qabanayo bisha November.