Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo ka horyimid qorshaha dowladda ee hub ka dhigista dadka Muqdisho

Shariif Sheekh Axmed oo ka horyimid qorshaha dowladda ee hub ka dhigista dadka Muqdisho

by Laacib

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa Sabtidan ka hadlay hub ka dhigista ay Dowladda Federaalka 6-dii bishan ka bilowday Magaalada Muqdisho, ka dib dagaalkii labada maalmood socday ee caasimadda ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay in hub ka dhigista ay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, isagoo dhinaca kalena sheegay inaysan suurtagal ahayn in marka uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yimaado siyaasadda hub ka dhigista, iyadoo welibana aan heshiis lagu ahayn.

“Hub ka dhigista sidoodaba waxay u baahan yihiin hannaan heshiis lagu yahay. Siyaasad guud iyo amni guud ayay u baahan tahay.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka oo intaa ku daray “Cidda maanta gurigaaga aad ka joogi la’dahay oo jidka aad ka mari la’dahay, hub kaama dhigi karto, macquulna ma ahan qof noocaasi inuu hub ka dhigis ka hadlo.”

Shariif Sheekh Axmed oo sii hadlayay ayaa yiri “Hubka sida lagu dhigo waa la yaqaanaa. Waxaa lagu dhigaa nabad caam ah inay jirto, in laga heshiiyo hannaanka hub ka dhigista, dalkana inuu ka dhaco hal waqti. Bil cagsi hubkii soo galay dowladda, wuxuu ku jiraa gacmo gaar ah iyo guryo gaar ah, waa la wada ogyahay. Hubka soo galay Dowladdii Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday si toos ah uguma jiro gacanta Ciidamada Qalabka Sida ee waxaa haaya shakhsiyaad la wada ogyahay, sababta loogu dhiibayna la wada yaqaano, wuxuuna yaallaa guryo gaar ah.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in marka Madaxweyne Xasan Sheekh uu waqtiga ka dhamaaday uu miiska soo saaro qorshe hal dhinac oo hubka lagu uruurinayo.

“Marka ruux asagu hub uruursi ku jira oo ka caddaalad fali waayay masuuliyaddii loo dhiibay, marka uu xilka ka dhamaaday inuu yiraahdo hubkaa dadka ka dhigayaa, ayaduna waa nasiib darro.” Ayuu yiri Shariifka.

Hawlgalka hub ka dhigista ayaan horey uga jirin Muqdisho, balse waa feker ka dhashay dagaalka 3-dii iyo 4-tii bishan ka dhacay magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc