Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in xabad joojinta Lubnaan ay khasab tahay inay noqoto mid buuxda

Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay in xabad joojinta Lubnaan ay khasab tahay inay noqoto mid buuxda

by Laacib

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in xabad joojinta Lubnaan ay noqoto mid buuxda oo degdeg ah.

Madaxweynaha oo ka hadlay xaaladda Lubnaan ayaa sheegay in Hoggaamiyeyaasha G7 ay aaminsan yihiin in xabad joojinta dalkaasi ay lagama maarmaan tahay inay noqoto mid buuxda oo degdeg ah.

“Heshiiska Mareykanka iyo Iran waa inuu xaqiijiyaa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Lubnaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweyne Macron oo sii hadlayay ayaa sheegay in xabad joojintu ay muhiim u tahay ilaalinta madaxbannaanida dhuleed ee Lubnaan, iyada oo la taageerayo Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, si ay ula wareegaan maamulka dalka oo dhan.

Macron oo galabta ka hadlayay munaasabadda xiritaanka ee Shirka G7 ayaa ku celiyay in ay khasab tahay in la ixtiraamo xabad joojinta Lubnaan.

Macron ayaa mabda’ ahaan taageeray heshiiska Mareykanka iyo Iran ee lagu wado in labada dowladood ay saxiixaan Jimcaha soo socda.

Macron ayaa ku nuux-nuuxsaday in heshiisku uu yahay mid aad u wanaagsan, sababtoo ah buu yiri waa heshiis joojinaya xaalad xasillooni darro ah oo cawaaqib xun ku yeelatay dhaqaalaheenna.

Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa si wadajir ah u dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Lubnaan.

Ciidamada Israel ayaa maanta sii waday weerarada xagga cirka ee ay ka gaysanayaan Koonfurta Lubnaan, xilli Iran ay ka digtay sii socoshada gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkaasi, isla-markaana uu Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuu masuuliyad dheeraad ah ka yeesho arrinta Lubnaan.

Israel ayay u cuntami la’dahay inay aqbasho xabad joojin dhameystiran oo laga dhaqangeliyo Lubnaan, iyadoo aan Xisbullah hubka laga dhigin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa caddeeyay in hirgelinta iyo guusha heshiiska lagu soo afjarayo colaadda ay shuruud uga dhigeen joojinta dagaalka Lubnaan iyo in Ciidamada Israel ay si buuxda uga baxaan dhulka ay ka joogaan dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc