Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka bilaabay kulamo uu ku xoojinayo dadaalada socda ee lagu dhameynayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Madaxtooyada Galmudug ee salka ku haya doorashooyinka maamulkaasi.
Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa hadda qayb ka ah dadaalada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac, iyadoona Villa Somalia ay dooneyso in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.
Raysal Wasaaraha ayaa Arbacadan ku biiray Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo Jimcihii gaaray Dhuusamareeb, isla-markaana waday gorgortan siyaasadeed oo Madaxweynaha Galmudug looga dhaadhicinayo in uu ka tanaasulo dib u doorashadiisa.
Villa Somalia ayaa maalmahaanba Qoorqoor culeys ku saareysay in uu waddada u banneeyo musharaxa ay taageereyso Dowladda Federaalka, inkastoo Qoorqoor uu diidmo adag ka muujiyay.
Ka dib kulan uu Qoorqoor galabta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Raysal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxa Sirdoonka Somaliya ayaa waxa uu ka soo dabcay mowqifkiisii hore, ee ahaa inuu tartami doono iyo in Galmudug laga qabto doorasho loo siman yahay.
Wararka ayaa sheegaya in Qoorqoor uu caawa iyo Khamiista uu kulamo kale la yeelan doono Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Mahad Salaad, si looga wada hadlo waxa uu ku bedelanayo ka haritaankiisa doorashada.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Jimcaha illaa Sabtida la saxiixi doono heshiis ay labada dhinac ku soo afjarayaan khilaafka soo ifbaxay horaantii bishii May.
Khilaafkan ayaa markii hore ka dhashay cidda noqoneysa musharaxa Urur Siyaasadeed JSP ee Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo ku metelaya doorashada madaxtinimada Galmudug, iyadoo Qoorqoor uu doonayay inuu noqdo musharaxa JSP, balse uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku gacan seyray.
Khilaafka ayaa soo afjaray afar sano oo Qoorqoor uu si dhow ula shaqeynayay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Qoorqoor uu xubin ka ahaa JSP, waxaase xiriirkooda carqaladeeyay fekerka Villa Somalia dib kaga dhashay ee booskiisa lagu gaynayo shakhsi kale.
Qoorqoor ayaa loolan adag u galay, sidii uu mar labaad xafiiska ugu soo laaban lahaa, taasna waxay gudaha Galmudug ka kicisay xiisad aan caadi ahayn oo waxaaba lagu sigtay gacan ka hadal.
In ka badan lix sano oo Qoorqoor uu ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Galmudug ayaa billihii May iyo June gaartay meeshii ugu xasaasisaneyd, taasoo ay ugu wacan tahay xiisadda xoogan ee ka dhalatay loolanka musharaxnimadiisa iyo diidmada Dowladda Federaalka ee inay taageerto.
Qorshaha Dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay ku bedesho Qoorqoor ayaad mooddaa inuu iminka shaqeynayo, marba haddii uu ogolaaday inuu u tanaasulo Liibaan Axmed Xasan, oo la aaminsan yahay in uu yahay musharaxa ay Villa Somalia taageereyso.
Villa Somalia iyo Madaxtooyada Galmudug ayaa la filayaa inaysan Warbaahinta u soo bandhigin dhammaan qodobada heshiiska ee Dhuusamareeb, waxaase laga yaabaa in heshiiska lagu xuso amaba Qoorqoor qudhiisu uu sheego inuu u tanaasulay danta dadka reer Galmudug.
Shuruudaha qodobada heshiiska ayaa la qiyaasayaa inay noqon doonaan kuwo xasaasi ah oo aan loo baahneyn in bulshada lala wadaago, tanina waxay keeneysaa in qodobada rasmiga ah ee ku saabsan shuruudaha iyo damaanadaha uu Qoorqoor kaga tanaasulayo doorashada la xadido.
Qoorqoor ayaa 2-dii bishii February ee sanadkii 2020 loo doortay Madaxweynaha Galmudug, ka dib doorasho dadban oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. Qoorqoor ayaa u muuqdo Madaxweynihii ugu muddada dheer ee Galmudug soo mara.
