Home Wararka Maanta Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gudubtay caqabaddii ka haysatay Doorashooyinka Galmudug

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gudubtay caqabaddii ka haysatay Doorashooyinka Galmudug

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ku dhawaad laba bilood ka dib ay xal u hesho khilaafka siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib markii Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ugu dambayn aqbalay in uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in isagoo u daneynaya horumarka ka jira Galmudug iyo in laga hortago dib-u-dhac maamul uu go’aansaday inuu ka haro habraaca doorashada ee hadda socda, ka dib wadatashi ay yeesheen.

“Waxaan go’aansaday habka hadda socda, anigu inaan ka haro oo aan ka tanaasulo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in uu si rasmi ah uga tanaasulay tartankii doorashada madaxtinimada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu xilka sii hayn doono, illaa iyo inta laga soo dooranayo hoggaamiyaha xiga, xilkana uu ku wareejin doono cid kasta oo la doorto.

Madaxweynaha ayaa muujiyay inay mudnaanta siin doonaan xasilloonida, horumarka socda iyo wadajirka dadka reer Galmudug.

“Inta uu ka soo dhamaanayo habkaas, xilka ayaan sii haynaynaa oo si habsami leh ayaan u sii wadaynaa, cid kasta oo ku soo baxdana waxaan ku wareejinaynaa Galmudug mideysan, caafimaad qabta oo hore u socota, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Qoorqoor.

Go’aanka Qoorqoor ayaa ka dambeeyay, ka dib wada hadalo uu Xarunta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Qoorqoor ayaan sheegin waxa uu ku bedeshay ka haritaankiisa inuu mar labaad u tartamo xafiiska, maadaama uu maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa inuu ka tanaasulo dalabka Villa Somalia ee ku saabsan inaanu tartamin.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa la fahamsan yahay inay qaadeen tallaabooyin waaweyn oo meesha looga saari karo Qoorqoor, iyadoo aanu dhibic dhiig ah daadan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qoorqoor u arkeysay caqabadda koowaad ee hortaagan musharaxa ay Villa Somalia taageereyso inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay Qoorqoor siisay qiimo lacageed iyo damaanad ku aaddan in xubno ka mid ah qoyskiisa xilal laga siin doono Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ayaa culeys weyn ku ahayd Villa Somalia, taas oo madaxda sare ku khasabtay in wada hadal nabadeed iyo gorgortan siyaasadeed lala bilaabo Qoorqoor.

Hadda, waxay Villa Somalia ka gudubtay xujadii ka haysatay gudaha Galmudug, taasna waxay u ogolaaneysaa in ay maamulka ka qabato doorasho uu ku soo bixi karo musharaxa ay wadato.

Xallinta khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka siinaya inay lahaato gacanta sare ee siyaasadda iyo maamulka doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc