Ka dib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa waxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabayaan dadaalo lagu xakameynayo hubka magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xoojinayo amniga Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, marba haddii xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Doorashooyinka Galmudug ee bishii May xaaladda amni ka abuuray magaaladaasi, markaas oo ciidamadii amniga ka wada shaqeynayay ay la kala safteen Madaxtooyada Galmudug iyo Dowladda Federaalka.
Muddadii uu khilaafka taagnaa, Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku fara adeygay inaysan Dhuusamareeb ka wada bixin gacanta maamulkiisa, si aanu u lumin gorgortankii siyaasadeed ee ugu dambayn uu dhawaan ka galay in wada hadal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka maamulka iyo habraaca doorashada.
Tanaasulka Madaxweyne Qoorqoor ayaa Dowladda Federaalka u ogolaanaya inay xadiddo dhinacyada hubeysan ee ku sugan magaalada, si halkaasi looga hoggaamiyo Doorashooyinka Galmudug. Dhuusamareeb ayaa muhiim u ah inay ku shaqeeyaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee lagu wado inay Doorashooyinka Galmudug ka qabtaan 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Go’aanka Qoorqoor ayaa sidoo kale meesha ka saaraya hubanti la’aanta amni ee muddooyinkan ka jiray Dhuusamareeb, tanina waxay dhabaha u xaareysaa in Dowladda Federaalka ay la wareegto ciidamadii isaga taageersanaa oo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad u badan beesha Dhuusamareeb oo hubka u qaadatay inaanan la ridin Qoorqoor. Maleeshiyadan ayay suurtagal tahay in hub ka dhigis lagu sameeyo amaba in lagu amro inay qoryaha guryahooda soo dhigtaan.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ayay tahay in ay ka hawlgalaan magaaladaasi, iyagoo maamulaya Doorashooyinka Xubnaha Golaha Deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo midda Hoggaamiyaha Galmudug, iyadoo Hoggaamiyaha Galmudug lagu dooran doono Dhuusamareeb.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa in ay soo saaraan jadwal cusub oo ku aaddan waqtiga la qabanayo doorashooyinka maamulkaasi.
Guddiga ayaa qorsheynaya in ay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabaan bixinta kaarka codbixinta, si loo siiyo dadkii isku diiwaangeliyay inay codeeyaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Baarlamaanka Galmudug.
Dad badan oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa isku diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan doorashada qof iyo cod ee 57 sano ka dib laga qabanayo Gobolada Dhexe.
Si kastaba ha-ahaatee dadaalada lagu xakameynayo hubka Dhuusamareeb ayaa ah mid lagaga hortagayo inaanu hubkaasi u gacan gelin cid kale.