Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa door muhiim ah ka qaatay xallinta qayb ka mid ah khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka dalka.
Kulamada uu horey ula qaatay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka iyo dhexdhexaadinta uu dhawaan u tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowad Goboleedka Galmudug ayaa ka hortagey qalalaase siyaasadeed.
Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa wada hadalada uu toddobaad ka hor la bilaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), isla-markaana uu Arbacadii Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ku biiray wada hadaladii nabadeed ee Dhuusamareeb ayaa horseeday in xal laga gaaro khilaafkii Qoorqoor kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee soo ifbaxay isbuucii koowaad ee bishii May. Qoorqoor ayaa habeenkii Khamiista ku dhawaaqay inuu ka haray doorashada madaxtinimada Galmudug, taas oo soo afjartay asalka khilaafka.
Mahad Salaad ayaa la xusuustaa in uu horaantii bishan hormuud ka ahaa dadaaladii lagu dejiyay xaaladda amni ee ka dhalatay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Qalabka Sida iyo taageereyaasha xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Inkasta oo aanu jirin heshiis si buuxda loogu soo afjarayo is mari-waagga ka taagan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo, haddana Mahad Salaad ayaa gacan ka gaystay in mucaaradka lagu qanciyo in laga baaqsado sii socoshada isku dhacyadaasi iyo in la hakiyo amaba la joojiyo hawlgalka hub uruurinta ee ay Ciidamada Dowladda Federaalka maalmo ka dib ka bilaabeen magaalada, ka dib dagaalkii 3-dii iyo 4-tii bishan ka dhacay Muqdisho.
Bartamihii bishii February, Mahad Salaad ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyaga oo ka biyo diidan in Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay kaga qaybgalaan Xarunta Madaxtooyada. Gogosha wada hadalka oo uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa xilligaasi soo food saaray hubanti la’aan, bal inuu qabsoomayo iyo in kale, ka dib markii Dowladda Federaalka ay ku adkeysatay in lagu qabto Villa Somalia iyo Axmed Madoobe iyo Deni oo dalbaday in lagu qabto meel ka baxsan xeendaabka Madaxtooyada. Mahad Salaad oo damaanad amni siiyay Axmed Madoobe iyo Deni ayaa markii dambe aqbalay inay shirka kaga qaybgalaan Madaxtooyada.
Sidoo kale Mahad Salaad ayaa bartamihii bishii May fududeeyay wada hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ay Shariif Sheekh Axmed iyo Deni kula yeesheen Xerada Xalane. Wada hadaladan oo Mareykanka iyo Ingiriiska ay garwadeen ka ahaayeen ayaa lagu qabtay goobta ay NISA ku leedahay Xerada Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.
Mahad Salaad waxaa lagu tilmaamaa sarkaalka iyo masuulka keliya ee Dowladda Federaalka ka tirsan, isla-markaana galaangal u leh inuu la fariisto Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya ee ka aragtida duwan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xirfaddiisa iyo khibraddiisa isku dhafka ah ee dhinacyada sirdoonka, siyaasadda iyo diblomaasiyadda ayaa xoojisay miisaankiisa gorgortan ee xilliyada xasaasiga ah, taasna waxay soo jiidatay indhaha shacabka, oo dadka ayaa bilaabay inay ka faalloodaan kaalintiisa muuqata.
Xirfadahan isku dhafan waxay qofka siinayaan awood uu dib ugu eego xaaladaha cakiran iyo inuu dhinacyada uga digo khataraha soo foolka leh ee ay lagama maarmaanka tahay in si wadajir ah looga hortago, isagoo la wadaagaya saadaalintiisa waxa ka dhalan kara, haddii lagu sii fogaado loolanka, marka xaajadu ay sidaan u milqan tahay oo keeneysa in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo xididdada u siibi kara dhibaatada soo wajahan.
Xogaha waxa loo yaqaano (Sirdoonka Siyaasadeed iyo Fallanqaynta Geeddi-socodka Khilaafaadka) ayaa inta badan loo adeegsadaa fahamka loolanka awoodda, saadaalinta isbedelada siyaasadeed iyo maareynta ama xallinta iska horimaadyada, waxayna gacan ka gaystaan dhimista xasaradaha, maareynta xiisadaha iyo ka hortagga colaadaha.
Xirfadahan ayaa waxay xoogga saaraan in la fahmo xididdada iska horimaadka, qorsheynta xalalka suurtagalka ah iyo ka hortagga xasaradaha aan loo baahneyn, si loo helo xasillooni iyo nabad waarta.
Saraakiisha Hay’adda NISA ayaa kuu sheegaya in Mahad Salaad uu goor horeba jileyaasha siyaasadda uga digay in loolanka adag ee dhexdooda ah uu dalka ka weecinayo tubta toosan, isla-markaana loo baahan yahay inay raadiyaan xalka is mari-waagga u dhaxeeya.
Mahad Salaad ayaa laga rajeynaya in madaxda uu ka dhaadhiciyo inay wada hadalada soo socda heshiis kaga gaaraan arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, taasoo qudhiisa ka caawin doonto inuu kordho meeqaamkiisa siyaasadeed iyo sirdoon ee dalka.