Home Wararka Maanta Ciidamada oo kaabiga ku haya xuduudda Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Ciidamada oo kaabiga ku haya xuduudda Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay qarka u saaran yihiin inay si buuxda ula wareegaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Qalaawilaha, kaas oo isku xira Degmooyinka Afmadow iyo Jilib ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in tani ay ka dambeysay, ka dib markii ciidamadu ay maleeshiyada Al Shabaab ku jebiyeen dagaalada ay maalmihii la soo dhaafay maleeshiyadaasi kula galeen deegaanada Qumbi, Biibi, Harboole iyo Miido oo hoostaga Degmada Afmadow.

“Waa meesha Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ay ku kala gadoomaan ama kala qaybisa Degmooyinka Afmadow iyo Jilib, waxaana ku aaddan dhulkii dhul beereedka ahaa oo Gosha ahaa baa meeshaas ka bilowdo sida Mareerey, Gaduudey iyo Jawaarey. Meeshii Dowladdii Kacaanka ay qasabka ka samayn jirtay sonkorta bay duleed kaga beegan tahay. Marka waa xadka Afmadow iyo Jilib.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Sarkaalkan oo la hadlay Universaltv ayaa intaasi ku daray “Deegaanka Qalaawilaha waxaan kaloo aad uga fogayn Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose oo kooxaha Khawaarijta ay ku sugan yihiin.”

Ciidamada oo hawlgalka hawada ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka ayaa hore ugu sii socda xudunta dhulka ay Shabaabku muddada dheer ku xidideysanayeen.

Qabsashada Qalaawilaha ayaa waxay ka dhigan tahay inay ciidamadu heleen waddo ay u mari karaan Degmada Jilib, oo Shabaabku ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee dalka.

Ciidamada ayaa toddobaadkii saddexaad dagaalo xiriir ah kula jira Shabaabka, kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lagu wiiqo awooddooda, loogana kiciyo dhulka ay ku xoogan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc