Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii gaaray Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Axaddan uga sii gudbay Magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Addis Ababa kulan kula leh Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, sida lagu sheegay war caawa fiidkii ka soo baxay Villa Somalia.
“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweynaha Somaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Raysal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Isniinta uu soo geba-gabeen doono safarka shaqo ee uu ku tegay Addis Ababa.
