Home Wararka Caalamka Dad u dhashay Sacuudiga oo ku dhintay shil diyaaradeed

Dad u dhashay Sacuudiga oo ku dhintay shil diyaaradeed

by Laacib

Shilkan diyaaradeed oo dhacay subaxnimadii Axaddan ayaa waxaa ku dhintay 14 qof, kuwaas oo dhammaantood u dhashay Sacuudiga.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Helicopter ayaa waxaa lahayd Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco, waxayna ku burburtay nawaaxiga Magaalada Ras Tanura oo ku taal xeebaha bari ee dalkaasi.

“Diyaaradda ayaa dhacday 6-dii subaxnimo ee maanta. Dadka ku dhintay waxay dhammaantood ahaayeen Sacuudiyaan.” Ayay ku warantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

SPA oo soo xiganeysa saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan ku aaddan, waxa sababay shilka.

Shirkadda Aramco ayaa Jimcihii dib u bilowday inay saliidda ka dhoofiso xarumaha ay ku leedahay Ras Tanura ee Khaliijka, ka dib markii ku dhawaad afar bilood ka dib ay Mareykanka iyo Iran gaareen heshiis lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.

Warshadda saliidda sifeysa ee Ras Tanura ayaa ah tan ugu weyn ee Sacuudiga iyo mid ka mid ah warshadaha ugu waaweyn ee wax soosaarka tamarta ee adduunka, waxayna saaran tahay Gacanka Faaris (Fars).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc