Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta soo geba-gabeeyay booqashadii uu maalmahaanba ku joogay deegaanada Galmudug.
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa 19-kii bishan ka degay Magaalada Dhuusamareeb, si uu u bilaabo wada hadal nabadeed iyo gorgortan siyaasadeed oo lagu soo afjarayo khilaafkii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) kala dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wada hadaladan oo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre uu ku biiray Arbacadii ayaa horseeday in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed, iyadoona Qoorqoor uu habeenkii Khamiista ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug.
Agaasimaha NISA ayaa intaasi ka dib Dhuusamareeb uga sii gudbay Magaalooyinka Caabudwaaq, Xeraale, Balanballe iyo Guriceel, si uu u xoojiyo dadaalada dib-u-heshiisiinta ee beelaha qaarkood, si xiisadda beelaha aanay wax saamayn ah ugu yeelan geeddi-socodka doorashada soo socota ee maamulka.
Mahad Salaad oo diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha General Galaal ee Magaalada Guriceel ayaa Talaadadan dib ugu laabtay Caasimadda Muqdisho.
Masuuliyiin iyo saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) ayaa Mahad Salaad ka sagootiyay Garoonka General Galaal.