Home Wararka Maanta Diyaaradaha dagaalka F-16 oo duqaymo ka gaystay Gobolka Shabellaha Hoose

Diyaaradaha dagaalka F-16 oo duqaymo ka gaystay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa ka warbixisay duqaymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F16 oo maanta laga fuliyay deegaanka Godey ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in hawlgalka hawada lagu bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabaad u ahaa maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay ku dhawaad 35 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, in ka badan 20 kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo culus.

“Duqaymaha ka dib, goobta la beegsaday waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta hubka, walxaha qarxa iyo saanadda cadowga.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo lagu xusay “Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa maleeshiyaad iyo gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo loo diyaariyay fulinta falal argagixisanimo oo lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.”

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Wasaaradda Gaashaandhiga waxay u mahadcelineysaa saaxiibada caalamka ee Somaliya kala shaqeeya la dagaalanka iyo ciribtirka argagixisada.”

Turkiga ayaa ah mid ka mid ah labada dal ee ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka gacan siiya hawlgalada hawada ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Ankara ayaa bishii January Muqdisho keentay saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Turkiga ee F-16, si ay Ciidanka Xoogga Dalka uga gacan siiyaan dagaalka lagu la jiro Al Shabaab, isla-markaana ay qayb uga noqdaan dadaalada lagu sugayo, laguna ilaalinayo amniga hawada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc