Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay gabar dhallinyaro ah, oo ku eedeysan inay muuqaalo anshax xumo ah ku baahisay barteeda Tiktok.
Taliska ayaa goor dhow war qoraal ah ku sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Garasbaaley ay gacanta ku soo dhigeen Hibo Xuseen Wardheere.
“Ciidanka Boliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanad Hibo Xuseen Wardheere, oo ku eedeysan inay barteeda TikTok ku baahisay muuqaalo anshax xumo ah oo lid ku ah dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay in Hibo Xuseen uu ku socdo baaritaan, ka dibna loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh dacwaddeeda, si sharciga loo waafajiyo.
“Eedeysanada ayaa ku jirta gacanta boliiska, waxaana ku socota baaris hordhac ah. Marka baarista la soo geba-gabeeyo, waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray “Boliiska Caasimadda ayaa wada hawlgalo xoogan oo lagu ciribtirayo anshax xumada iyo falalka ka horimanaya dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.”
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Axaddii Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay 10 nin oo dhallinyaro ah, oo ku eedeysan inay barraha bulshada ku faafiyaan dhaqan xumo ka dhan ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo xilligaasi digniin u jeediyay dhallinyarada adeegsata barraha bulshada ayaa yiri “Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu u digayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee isticmaasha barraha bulshada qaybaheeda kala duwan, hadday ahaan lahayd Facebook, Tiktok iyo Youtube, haddaad ilaalin weysay dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, annagana ku ilaalin mayno. Waxaad marti u noqon doontaa qolalka mugdiga ah ee aan ugu talagalnay dadka dembiileyaasha ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo qaybahooda kala duwan ee ummadda dhagaraheeda. Horey ayaan u tafatirnay kuwii dadka dili jiray, u daahi mayno kuwa dadka dhaqankooda dooriyana inaan soo qabano.”