Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Gobolada Jubbooyinka

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Gobolada Jubbooyinka

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka socdaan goboladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Daraawiishta Jubbaland ayaa abaabul ka wada agagaarka xuduudda Gobolada Jubbooyinka, iyadoona la soo sheegayo in ay haatan xooggoodu ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Qalaawilaha oo kala qaybiya goboladaasi.

Ciidamada oo toddobaadyadii u dambeeyay waday guluf ay ku xoreynayaan deegaanada qaar ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa markan wada hawlgal ay ugu tallaabayaan dhinaca Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona uu qorshahoodu yahay in ay Qalaawilaha uga sii gudbaan dhinaca Degmada Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee ay Al Shabaab maamusho.

Ciidamo kale oo ku sugan dhulka hawdka ee deegaanka Miido oo hoostaga Degmada Afmadow ayaa waxaa suurtagal ah in ay weerar ku qaadaan Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose. Degmadan oo maleeshiyada Al Shabaab ay maamulaan ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay ka ilaaliyaan amniga Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe. Xagar ayaana ku taala goob kala qaybisa Afmadow iyo Bu’aale.

Ciidamada is garabsanaya oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka ayaa cadaadis militari ku haya Al Shabaab, kaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda maleeshiyada iyo in lagu xoreeyo dhulka ka maqan gacanta maamulka.

Al Shabaab ayaa dhinaceeda waddo isku dayo ay kaga hortageyso in ciidamada ay soo gaaraan Gobolka Jubbada Dhexe, oo haddii ay gudaha u galaan meel ka mid ah gobolkaasi ay noqoneyso markii ugu horreysay oo taariikhda ay Al Shabaab ka qabsadaan dhul ka tirsan gobolkaasi, ka dib in ka badan 18 sano oo Shabaabku ay ka arrimineysay gobolkaasi.

Ma jiro gobol ka tirsan Somaliya oo Shabaabku ay si buuxda gacanta ugu wada hayaan, aan ka ahayn Gobolka Jubbada Dhexe. Shabaabka ayaa gobolkan maamulayay, illaa daba-yaaqadii sanadkii 2007.

Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay xilligan maleeshiyaad fara-badan keentay Xagar iyo weliba fariisimaha ay ku leedahay Qalaawilaha, si aysan u lumin gacan ku haynta Gobolka Jubbada Dhexe ee Jubbaland.

Qalaawilaha ayaa isku xira Degmooyinka Afmadow iyo Jilib, wuxuuna xitaa uu muhiim u yahay isu socodka Degmooyinka Afmadow, Jilib iyo Xagar oo dhinaca kalena u furan Bu’aale.

Shabaabka ayaa damacsan inay dhisaan difaac adag oo ciidamada ay kaga horjoogsanayaan inay gudaha u soo galaan gobolkaasi, maadaama ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee dalka.

Horjoogeyaasha Al Shabaab ayaad mooddaa in ay qabaan welwel ku aaddan in hawlgalka socdaa uu khatar gelinayo joogitaankooda gobolkaasi.

Saraakiisha Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee hoggaamimanaya hawlgalkan ayaa laga soo xigtay in hawlgalku uu qayb ka yahay qorshaha guud ee lagu doonayo in Shabaabka looga saaro guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Hawlgalka ayaa udub dhexaad u ah siyaasadda iyo amniga ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc