Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliska Ciidanka Danab ayaa goor dhow sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab iyo xabsi ay maleeshiyadu u adeegsan jirtay caburinta shacabka Soomaaliyeed.
“Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday horjoogeyaal ka tirsan Khawaariijta iyo xabsi sharci darro ah oo argagixisadu u adeegsan jirtay caburinta shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu Taliska Kumaandooska Danab ku sheegay war qoraal ah.
Warka ayaa lagu sheegay in intii uu hawlgalku socday ay horjoogeyaasha Al Shabaab ka carareen goobta, isla-markaana ay ciidamadu burburiyeen xabsigii ay maleeshiyadu ku dhibaateen jirtay shacabka.
“Intii uu socday hawlgalka, horjoogeyaashii Khawaariijta ayaa isaga cararay goobta, halka Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ay si buuxda u burburiyeen xabsigii ay argagixisadu ku dhibaateen jirtay shacabka.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaadkii ilaalinayay xaruntaasi, kuwaas oo aan wax iska caabin ah samayn, intii uu socday howlgalka.”
Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgalada joogtada ah ee Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ay ku baacsanayaan Khawaariijta, kuna burburinayaan xarumahooda iyo goobaha ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo ciribtirka argagixisada.”
Toora-toorow waa mid ka mid ah deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ee ay Shabaabku muddada dheer haystaan.