Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa maanta booqday deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo bishii June laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo hoggaaminayay wafdigan ayaa booqday deegaanada Biibi, Harboole iyo Miido, sida ay ku warantay Warbaahinta Jubbaland.
Wasiiradan oo sidoo kale ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland iyo Maamulka Degmada Kismaayo ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidamada Qalabka Sida, si ay u dardargeliyaan hawlgalka lagu xoreynayo deegaanada Jubbaland ee ay Shabaabku ku sugan yihiin.
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta oo dalka laga xusayo munaasabadda 1-da Luulyo ay furimaha hore kula dabaal-deggaan ciidamada.
Wasiirka ayaa ciidamada ku booriyay inay sii wadaan dagaalka ay shacabkooda kaga dulqaadayaan kuwa u diidan buu yiri tacbashada, isagoo dhinaca kalena sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqeynayaan, sidii ay dib guryahooda ugu soo celin lahaayeen dadkii deegaanka ee la barakiciyay.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha Jubbaland, Axmed Xuseen Baraki (Zubeyr) oo ka hadlayay deegaanka Biibi ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu ay dib-u-hagaajin doonto ceelkii deegaankaasi ee ay maleeshiyadu burburisay amaba ay meel u dhow ka dhisi doonaan ceel kale, si wax looga qabto biyo la’aanta ka jirta sida uu yiri deegaanka.
“Guud ahaan Somaliya, gaar ahaan Jubbaland waxyaabaha ugu dhibka badan ee lala kulmo marka meel la xoreeyo, waxaa ka mid ah biyo la’aan, ceelashii oo aanan shaqeyneynin, ceelashii oo la haleeyay iyo ceelashii oo kala fogfog. Marka in meeshii ay deegaan noqoto iyo ciidankii laftigiisu inay biyo helaan, mar kasta waxaa lagama maarmaan ah in la helo meel biyo leh.” Ayuu yiri Wasiirka Tamarta Jubbaland.
Inta badan deegaanada laga saaro Al Shabaab ayaa waxaa soo wajaha biyo la’aan, taas oo ay u sabab tahay Shabaabka oo burburiya kaabeyaasha biyaha, tanina waxay qoysaska ay barakiciyaan ku riixdaa inaanay si dhakhsa ah guryahooda ugu soo laaban amaba ay ku tiirsanaadaan xamuul biyo oo qaali ah, waaba haddii wadayaasha gaadiidleyda biyaha ay helaan waddooyin ay si badbaado leh ku mari karaan.
Si kastaba ha-ahaatee Wasiirada Jubbaland ee ciidamada booqday oo shan xubnood gaarayay ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Kismaayo. 
















