Home Wararka Maanta Xoogaga Alpha Group oo hawlgal ka fuliyay xadka ay wadaagaan Gobolada Shabellooyinka

Xoogaga Alpha Group oo hawlgal ka fuliyay xadka ay wadaagaan Gobolada Shabellooyinka

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda ay hawlgal ka fuliyeen deegaanka Basra, oo ku yaala xadka kala qaybiya Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay halkaasi ku khaarijiyeen sideed xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay horjoogeyaal ku jiraan.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa waxay sheegtay in xubnaha hawlgalka lagu dilay ay ka kala tirsanaayeen qaybaha miinooyinka iyo fulinta weerarada hoobiyeyaasha ee Al Shabaab.

“Bartilmaameedka hawlgalka oo ahaa goob ay Khawaarijtu ku shirayeen oo ku taala hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa dhagaraha miinooyinka iyo horjoogihii kooxda fulisa weerarada argagixiso ee loo adeegsado hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare) iyo lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisa.” Ayay Hay’adda NISA ku sheegtay warsaxaafadeedka.

Hay’adda NISA ayaa waxay sheegtay in hawlgalkan uu jab culus ku noqday shabakaddii Al Shabaab u qaabilsaneyd qorsheynta iyo fulinta weerarada hoobiyeyaasha ah.

“Hawlgalkan ayaa jab culus ku noqday shabakaddii Khawaarijta u qaabilsaneyd qorsheynta iyo fulinta weerarada hoobiyeyaasha ah. Xog sirdoon ayaa sidoo kale xaqiijisay in cadowgu meydadka horjoogeyaashii lagu dilay ka qaadeen goobta hawlgalka, iyaga oo si qarsoodi ah ugu aasay deegaan kale.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay “Halwlgaladan waxay qayb ka yihiin dadaalada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta iyo burburinta shabakadaha qorsheeya weerarada argagixisada.”

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalkan ay fuliyeen Ciidanka Gaarka ah ee Gaashaan (Alpha Group), waana ciidamo uu Mareykanku tababaro oo ka amar-qaata Taliska Hay’adda NISA, waana ciidan gaar ah oo ay leedahay Hay’adda NISA.

Ciidanka Alpha Group ayaa mararka qaarkood hawlgalo gaar ah ka fuliya Magaalada Muqdisho iyo deegaanada Gobolada Shabellooyinka ee ku teedsan caasimadda, si loo soo qabto xubnaha argagixsada ee xogtooda la helo amaba looga hortago weerarada ay qorsheynayaan.

Xoogagan ayaa waxay u tababaran yihiin hawlgalada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, uruurinta xogaha iyo ku hawlgalkooda.

Ciidanka Alpha Group ayaa waxay xirfad sare u leeyihiin inay beegsadaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab, burburinta shabakadaha argagixiso iyo ka hortagga qorsheyaashooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc