Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidan Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, Naadiya Maxamed oo gabar Soomaaliyeed ah, taas oo booqasho ku joogta Magaalada Muqdisho.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gudoomiye Naadiya ku bogaadiyay guulaha iyo doorka muuqda ee ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isaga oo tilmaamay in guulaha noocaas ahi ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka caalamka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa Gudoomiye Naadiya kula dardaarmay in ay xoogga saarto ka qayb qaadashada xoojinta xiriirka soo jireenka ee ay wadaagaan Somaliya iyo Mareykanka iyo sare u qaadidda kaalinta ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga.”

Warka ayaa intaasi ku daray “Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta diiran, waxayna adkaysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaalada lagu horumarinayo Somaliya, iyada oo tilmaamtay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.”

Naadiya Maxamed oo haysata dhalashada Mareykanka ayaa bishii November ee sanadkii 2023 loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park, ka dib dhowr sano oo ay ka tirsaneyd Golaha Deegaanka ee magaaladaasi.

Naadiya Maxamed ayaa xilka loo dhaariyay 2-dii bishii January ee sanadkii 2024, oo ka bilaabaneysay afar sano oo xilka loo doortay.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa xilligaasi dhigtay taariikh cusub, ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreyay ee Muslim ama madow ah ee loo doorto xilka duq magaalo ee Gobolka Minnesota.

Inkasta oo magaaladan ay ka mid tahay meelaha Soomaalida codeysa aysan ku badnayn, haddana Naadiya ayaa ku guuleysatay inay codka ka hesho codbixiyeyaasha kale ee degan St. Louis Park, iyadoona doorashada kaga adkaatay Dale Anderson, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc