Home Wararka Caalamka Militariga Mareykanka oo weerar cusub ku qaaday Iran

Militariga Mareykanka oo weerar cusub ku qaaday Iran

by Laacib

Militariga Mareykanka ayaa weerar cusub oo xagga cirka ah ku qaaday Iran wax yar uun ka dib, markii ciidamada dalkaasi ay ku dhawaaqeen inuu xiran yahay Marinka Hormuz.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay marin biyoodka Hormuz, illaa amar dambe, Mareykankana uu ka joojinayo fara-gelintiisa gobolka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inay qaadeen mowjad cusub oo weeraro ka dhan ah Iran, iyadoo laga jawaabayo weerar ay Ciidamada Iran ku waxyeeleeyeen markab marayay Marinka Hormuz.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqaymihii saddexaad oo toddobaadkan ay ka gaystaan dalkaasi, ka dib markii talisku uu sheegay in Ciidamada Iran ay si bareer ah u weerareen markab sita Calanka Qubrus (Cyprus).

Ciidanka Badda Iran ayaa Sabtidii rasaas ku furay, isla-markaana joojiyay markab xamuul oo ku gooshayay Hormuz, waxayna Tehran sheegtay in uu ka weecday waddada la ansixiyay ee la ogol yahay inay maraakiibtu maraan.

Tallaabada lagu beegsaday markabkan ayaa daba socoto dhacdooyin bilowgii isbuuca lagu weeraray saddex markab oo nooca shidaalka qaada ah, taas oo keentay weerarada ay Talaadadii iyo Arbacadii is dhaafsadeen Mareykanka iyo Iran.

Taliska CENTCOM ayaa saaka sheegay in markabka MV GFS Galaxy ee Sabtidii shalay la weeraray uusan sii wadi karin safarkiisa, sababtoo ah burbur weyn oo soo gaaray qaybta motoorka ee markabkaasi. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in hal shaqaale la la’yahay.

“Iran waxaa la siiyay fursad kale oo ay ku muujiso u hoggaansanaanta heshiiska is fahamka, ka dib markii lagu eedeeyay weeraradii hore ee lagu qaaday maraakiibta ganacsiga, balse mar kale way ku guuldareysatay.” Ayuu Taliska CENTCOM ku sheegay warsaxaafadeed.

Weerarka markabka iyo go’aankii daba socday ee ay Iran ku xanibtay isu socodka maraakiibta ee Hormuz ayaa yimid, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu Iran u qabtay inay 24 saac gudahood ku shaaciso inay joojin doonto weerarada maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth ayaa sheegay in Iran ay qaadatay go’aan xun, haddana ay bixinayaan qiimahaas, sida uu yiri.

Xakamaynta Iran ee Hormuz ayaa cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku ah Maamulka Trump.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc