Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa bishii labaad si xiriir ah hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab uga wada Gobolka Jubbada Hoose.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa maanta sheegay in ciidamadu ay hawlgal burburin ah ka sameeyeen deegaanada Lafa-gari iyo Xabala Afwaax ee gobolkaasi.
“Hawlgaladan oo si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.” Ayuu talisku ku sheegay war qoraal ah.
Warka ayaa lagu yiri “Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gudaha u galay goobihii ay kooxdaasi gabaadka ka dhigan jirtay, iyagoo burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay u adeegsanayeen abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyadooda.”
Taliska Danab ayaa sheegay in hawlgalada lagu wiiqayo maleeshiyada Al Shabaab ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga, difaaca shacabka iyo xasilloonida dalka.
Ciidanka Ururka 162aad ee Kumaandooska Danab ayaa hoggaaminaya gulufka Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada dhaca dhulka hawdka ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kumaandooska Danab ayaa tan iyo bishii June hoggaaminaya hawlgalada ay Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ka wadaan deegaanada qaar ee Gobolka Jubbada Hoose iyo meelo ku dhow xadka uu gobolkaasi la wadaago Gobolka Jubbada Dhexe.