Wararka ka imanaya Waqooyiga Ciraaq ayaa sheegaya in dhowr xabo oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah xalay lagu weeraray Qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Erbil ee Xarunta Gobolka Kurdistan.
Nidaamka difaaca hawada ee ku rakiban agagaarka Dhismaha Qunsuliyadda Mareykanka ayaa la sheegay inay ka hortaggeen in diyaaradahaasi lagu dhufto dhismahaasi.
Dab ayaa ka kacay mid ka mid ah guryaha dadka rayidka ah ee la degan yahay, kaas oo sida la sheegay ka dhashay burburka diyaaradaha drones-ka ee la soo riday.
Dhismayaal dhowr ah ayaa la diiwaangeliyay inay ku dhaceen burburka walxo kala firirsan oo diyaaradaha la soo riday ah.
Warbaahinta maxaliga oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa ku warantay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay magaalada, intii nidaamka difaaca hawada uu la tacaalayay diyaaradahaasi.
Lama sheegin wax khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdada, marka laga soo tago in burbur hantiyadeed uu jiro.
Diyaaradaha is wada weerarka loo adeegsaday ayaa ka yimid jihada Iran, kuwaas oo loogu talagalay inay weerar fuliyaan.
Gobolka Kurdistan ee Ciraaq ayaa xuduud dheer oo dhanka bari ah la wadaaga Iran. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa si firfircoon uga hawlgala marinka xuduudda la isaga tallaabo ee Bashmaq.
Weerarku wuxuu daba socdaa, xilli ay sii kordheyso xiisadda ka jirta Bariga Dhexe ee salka ku haysa dagaalka Mareykanka iyo Iran.
Si kastaba ha-ahaatee Xarunta Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil ayaa ka mid ah goobaha aadka loo ilaaliyo ee gobolka, marka aad eegto in ay ku taalo meel aad u xasaasi ah.