Home Wararka Caalamka General Yahya Saree oo sheegay inay gantaal ku dhufteen markab marayay Gacanka Cadmeed

General Yahya Saree oo sheegay inay gantaal ku dhufteen markab marayay Gacanka Cadmeed

by Laacib

Xuutiyiinta Yemen ayaa xalay sheegay in markab shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga ay ku weerareen biyaha Gacanka Cadmeed, ka dib weerarkii ay shalay ku gubeen markab kale oo marayay waqooyiga Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay inay gantaal nooca ballaastikada ah ku weerareen markabkaasi, isla-markaana uu markabku dib u laabtay.

Afhayeenka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in gantaalku uu ku dhacay markabkaasi oo magaciisa uu ku sheegay Daisy, taas oo keentay inuu bedelo jihadiisa.

Hay’adaha amniga badaha ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow goobtii uu ku gooshayay markabka Daisy, inkastoo shaqaaluhu ay badqabaan, waxyeelo weyna sida ay sheegeen aysan dhicin.

General Yahya Saree ayaa Arbacadii sheegay inay gubeen markab shidaal oo marayay waqooyiga Badda Cas, iyadoo laga jawaabayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Sacuudiga oo ku soo xadgudbay hawada Magaalada Sacda (Saada).

General Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay si guul leh u bartilmaameedsadeen markabka shidaalka Sacuudiga ee NCC WAFA.

Xuutiyiinta Yemen ayaa bishii July xayiraado dhanka badda ah ku soo rogay Dekedaha Sacuudiga, waxayna digniin adag u direen shirkadaha maraakiibta, iyagoo sheegay in markab kasta oo shidaal ama badeeco ka dejiya ama ka qaada Dekedaha Sacuudiga uu noqon doono hadaf militari

General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa 20-kii July ku dhawaaqay in maraakiibta xiriirka la leh Sacuudiga aysan mari karin Marinka Bab El-Mandeb oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc