Ciidamada Iran ayaa weeraro kala dambeeyay oo gantaalo loo adeegsaday ku qaaday xarumo ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi Jordan.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran ayaa saaka sheegay in Ciidamada Iran ay saqdii dhexe ee xalay bartilmaameedsadeen Saldhigga Ciidanka Cirka Mareykanka iyo Xarunta Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ee Jordan, iyagoo adeegsanaya gantaalada ballaastikada.
Taliska ayaa sheegay inay si sax ah u garaaceen Saldhigga Ciidanka Cirka iyo Xarunta Taliska CENTCOM ee dalkaasi.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa xarumo iyo xiriiro dhanka difaaca ah ku leh Jordan, iyadoo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Muwaffaq Salti ay ku sugan yihiin ciidamo iyo diyaarado dagaal oo Mareykanka uu leeyahay.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran ayaa wacad ku maray in Ciidamada Iran ay sii wadi doonaan iska caabinta, inta ay socdaan tallaabooyinka sharci darrada ah iyo kuwa khalafsan ee Mareykanka uu ku hayo Iran.
“Waa inay joogsadaan hanjabaadaha ka imaanaya Saraakiisha Mareykanka iyo fara-gelinta sharci darrada ah ee ka dhanka ah danahayaga.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale Taliska CENTCOM ayaa sheegay inay qabteen dhowr gantaal oo nooca ballaastikada, kuwaas oo ku sii jeeday Saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Taliska CENTCOM ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay, waxa uu weerarku ku tilmaamay isku day weerar oo lama filaan ah.
Weerarada Iran ayaa soo afjaraya afar habeen oo hakad uu ku jiray dagaalka kala dhaxeeya Mareykanka, ka dib markii Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon ay Jimcihii joojisay duqaymihii lagu hayay bartilmaameedyada gudaha Iran.
Weerarada Iran ayaad mooddaa in lagu beeninayo war Talaadadii ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, oo ku saabsanaa in Iran ay si joogta ah uga codsaneyso in laga joojiyo duqaymaha.
Weeraradan ayaa noqonaya kuwoodii ugu horreyay ee Iran ku hormarto amaba ku qaaddo Saldhigyada Mareykanka ee gobolka, taasoo ku tusineysa in ciidamadeeda ay diyaar u yihiin inay ka gudbaan heerka difaaca iyo aargoosiga, ayna u gudbaan heerka weerarka.