Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay u qalab qaateen, sidii ay maleeshiyada Al Shabaab uga saari lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka ay hoggaaminayaan Kumaandooska Gorgor, isla-markaana ay kaabayaan cutubyo kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka ruqaansadeen saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka xeebta u dhow ee Wargaadhi, isla-markaana ay hadda ku sugan yihiin meel u dhow tuulada Towfiiq oo 8km dhinaca waqooyi galbeed uga beegan Wargaadhi.
Tuulada Towfiiq ayaa qiyaastii 10km u jirta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, iyadoo Towfiiq ay ka mid tahay tuulooyinka yaryar ee hoostaga Masaajid Cali Gaduud iyo mid ka mid ah marinada laga galo deegaankaasi. Tuulooyinka kale ee ku xeeran deegaankaasi ayaa kala ah Daarasalaam, Tawakal iyo Geedi-xeyr.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen tuulada Geedi-xeyr, balse ay weli ku sugan yihiin tuulooyinka kale ee Daarasalaam iyo Tawakal, isla-markaana ay dhaqdhaqaaq ka wadaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa ah deegaan istiraatiiji ah, waana dhuun iyo marin muhiim u ah isku xirka iyo gudbinta saadka iyo sahayda ciidamada ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Shabaabka ayaa 26-kii bishii March ee sanadkii 2025 dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta Masaajid Cali Gaduud, waxaana bishii xigtay ee April fashilmay qorshe ay ciidamadu dib ugu la wareegi lahaayeen deegaankaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la xusuustaa in 30-kii bishii October ee sanadkii 2022 ay dagaal maalmo socday kula wareegeen Masaajid Cali Gaduud, ka dib wax ka badan 10 sano oo Shabaabku ay ka arriminayeen.
Haddii ciidamadu ay hadda dib ula wareegaan deegaankaasi ayaa waxay ka dhigan tahay in sanad iyo dhowr bilood ka dib ay ku soo celiyeen gacanta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle.