Home Dhacdooyin Sacuudiga oo dhisay isbahaysi la dagaalama Xuutiyiinta

Sacuudiga oo dhisay isbahaysi la dagaalama Xuutiyiinta

by Laacib

Sacuudiga ayaa aasaasay isbahaysi cusub oo qorshuhu yahay in lagu la dagaalamo Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka ka furay marin biyoodka Bab El-Mandeb iyo Badda Cas.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa 20-kii bishii July ku dhawaaqay go’doomin ka dhan ah Dekedaha Sacuudiga, waxayna maraakiibta ku sii jeeda dekedaha dalkaasi ama ka imanaya ka mamnuuceen inay adeegsadaan Marinka Bab El-Mandeb iyo Badda Cas.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee isbahaysigan lagu aasaasay 14 dal oo Riyadh ka gacan siiya, sidii loo sugi lahaa amniga Badda Cas, Bab El-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Jimcihii ku warantay in Somaliya ay xubin ka tahay isbahaysigan, oo dalalka ugu waaweyn ay yihiin Turkiga, Masar iyo Pakistan.

Wakaaladda Wararka SPA ayaa sheegtay in dalalka kale ee heshiiska saxiixay ay yihiin Sacuudiga, Kuwait, Bahrain, Qatar, Jordan, Yemen, Sudan, Jabuuti, Nigeria iyo Bangladesh.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa Khamiistii Caasimadda Riyadh ku qabatay shir looga hadlayay hindisaha boqortooyada ee lagu dhisayo isbahaysi difaac oo caalami ah, kaas oo ay ka qaybgaleen wakiilada dalalka saaxiibada la ah iyo wafdi ka socda Midowga Yurub.

“Hindisahan ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo amniga badda, lagu ilaalinayo marinada badda ee caalamiga ah, laguna dagaalamayo khataraha ku wajahan isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.” Ayay ku warantay SPA.

SPA ayaa qortay “Ka qaybgalka ballaaran wuxuu muujinayaa xiisaha caalamiga ah ee sii kordhaya ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca badda iyo muhiimadda ay leedahay mideynta dadaalada lagu xallinayo khataraha la wadaago ee amniga marinada badda ee caalamiga ah. Ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen khataraha sii kordhaya ee amniga badda, oo ay ku jiraan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga, booyadaha shidaalka iyo kaabeyaasha tamarta. Wada hadaladu waxay iftiimiyeen khataraha khatarta ku ah badbaadada marinada badda, xasilloonida sahayda tamarta iyo dhaqaalaha caalamiga ah.”

Badda Cas iyo Dekedaha Sacuudiga ayaa waxaa la sheegaa in ay muhiim u yihiin waddooyinka ganacsiga caalamiga ah ee Bariga Fog, Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.

Sacuudiga ayaa doonaya in uu xal militari ku maareeyo xiisadda kala dhaxeysa Xoogaga Xuutiyiinta, iyadoo waddada diblomaasiyadda ay tahay xalka ugu fiican ee lagu dhameeyo khilaafaadka, kaas oo ka badbaado badan, kana khasaare yar dagaalka.

Sidaasi daraadeed dadka aqoonta u leh xaqiiqada qaraar ee dagaalka ayaan ku degdegin dagaal oo dhan, iyagoo ka door bida wada-xaajoodka diblomaasiyadeed iyo xalalka siyaasadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc