Ciidanka Xoogga Dalka ee hawlgalka ka wada Gobolka Hiiraan ayay tahay inay la wareegaan deegaankaasi Yasooman oo hoostaga Degmada Buuloburde, kaas oo maleeshiyada Al Shabaab u suurtagelinaya in ay isugu kala gooshaan Gobolada Bartamaha iyo kuwa Koonfureed.
Shabaabka ku sugan deegaanada Galmudug ee u socdaalaya Gobolada Koonfureed ayuu marinkooda ugu weyn yahay deegaanka Yasooman oo ku yaala meel istiraatiiji ah, isla-markaana isku xira Degmooyinka Buuloburde, Moqokori iyo Maxaas.
Yasooman ayaa sidoo kale ah marinka ay adeegsadaan Shabaabka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ee u gudbaya dhinaca Magaalada Ceelbuur ee geeska bari ee Gobolka Galgaduud iyo deegaanka Jowle ee koonfurta fog ee Gobolka Mudug.
Yasooman ayaa waxaa dhanka kale u furan waddada Aboorey ee tagta deegaanka Jicibow ee looga tallaabo galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo Jicibow ay dhacdo jiinka bari ee Webiga Shabelle, waana deegaanka ay Shabaabku soo marsiiyaan saadkooda ka gudbaya Yasooman ee loo wado Moqokori, Maxaas iyo weliba deegaanada Galmudug.
Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii July dhaqdhaqaaq ka bilaabay aagga Yasooman, inkastoo aad mooddo inay ka gaabiyeen weerar ay ku qaadaan deegaankaasi.
Shabaabka ayaa 16-kii bishii April ee sanadkii hore bilaa dagaal kula wareegay dhulka buuraleyda ee Yasooman, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka, waana isla maalintii ay Shabaabku dagaalka culus ku qabsadeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa mararka qaarkood si fudud uga soo baxa dhul ay dhibaato ka mareen inay qabsadaan, taas oo hadhow adkeysa in ay ku laabtaan, waana mid u baahan inay wax ka bartaan.
Goobaha ay ciidamadu ka soo baxaan ayaa dhibaato ku ah istiraatiijiyadda lagu la dagaalamayo Al Shabaab, waxaana loo baahan yahay qorshayn iyo sugidda amniga waara, ka hor inta aysan ciidamadu dhul cusub qabsan, maadaama ay caqabado ka maraan.