Home Wararka Caalamka La wareegitaanka Shabaab ee Teedaan oo cawaaqib ku noqon kara hawlgalka Gobolka Hiiraan

La wareegitaanka Shabaab ee Teedaan oo cawaaqib ku noqon kara hawlgalka Gobolka Hiiraan

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa galabta qabsaday deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, ka dib dagaal lagu riiqmay oo maanta ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda kula galeen deegaano hoostaga Degmada Maxaas.

La wareegitaanka Shabaab ee Teedaan ayaa ah dhibaato iyo dib-u-dhac ku yimid hawlgalka bariga Gobolka Hiiraan ee la doonayo in maleeshiyada lagaga saaro dhulka ay ka haysato.

Teedaan oo hoostagta Degmada Maxaas ayaa waxay ahayd taliskii laga hoggaaminayay hawlgalka labada toddobaad socdo ee ay ciidamadu ka wadaan gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ee ka baxay Teedaan ayaa haatan ku sugan deegaanka Bukure, laakiin ma ahan deegaan istiraatiiji ah, sida Teedaan oo kale.

Deegaanka Teedaan ayaa muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga gobolka, waana deegaan isku xira Magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay fariisimo ka sameysteen bannaanada deegaankaasi, isla-markaana ay godad ka dhex guteen gudaha Teedaan.

Imaanshaha Shabaabka ee Teedaan waxay calaamad u tahay in maleeshiyadu ay dagaalka ka fogeysay Degmada Maxaas.

Saraakiil ka kala tirsan Qaybaha 27aad iyo 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan deegaanada u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan ayaa halkaasi ka wada abaabul la doonayo in lagu sii wado dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hase yeeshee la tacaalidda Shabaabka ku sugan Teedaan iyo dagaalka looga saarayo oo aan la aqoon muddada uu socon karo ayaa caqabad ku noqon karta qorshaha guud ee lagu xoreynayo deegaanada kale ee ka fog.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa si dhow ula socda xaaladda soo korortay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc