Home Wararka Maanta Dagaal la isku soo noqnoqday oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal la isku soo noqnoqday oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa galabta ku siqay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii ay maleeshiyada Al Shabaab dagaal culus kula galeen deegaano hoostaga degmadaasi.

Shabaabka ayaa saakay dhowr jiho ka weeraray saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin inta u dhaxeyso deegaanada Suullaay iyo Teedaan, iyadoona labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in xabadda ay istaagtay duhurkii, xilli ciidamada laga qabsaday saldhiggaasi, balse dagaalka oo galabta dib uga qarxay duleedka Teedaan ay ciidamada u suurtagashay in ay dhul cusub qabsadaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay ka gudbeen dhufeysyadii ay Shabaabku ku lahaayeen meelo ka mid ah deegaanada Xasan Raqay, Xagar, Sulmo iyo Ina Baale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Macawiisleyda oo ka dhaqaaqay bariga Teedaan ay xilligan ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Goobo oo 15km dhanka waqooyi uga beegan Degmada Maxaas, isla-markaana ay sugayaan ciidamo ka tirsan Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Goobo ay ku taalo waddada aadda dhinaca Guriceel.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka ayaa iyaguna koonfurta Teedaan ka kubaareeyay deegaanka Suullaay oo weli ay Shabaabku haystaan.

Dhanka kale meel u dhow kontoroolka waqooyi ee deegaanka Goobo ayaa la sheegay in caawa ay ka dhacday duqayn xagga cirka ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Saraakiisha Turkiga oo ka jawaabaya codsi uga yimid Dowladda Federaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ku yaala afaafka hore ee Goobo.

Hawlgalka hawada ayaa laga yaabaa in uu sii socdo caawa illaa berrito, taas oo ciidamada ka caawineysa in ay horumar ka sameeyaan hawlgalka dhulka.

Goobo waa difaaca ugu weyn Al Shabaab ee Degmada Maxaas, haddii deegaankaasi laga saarana waxay halis gelineysaa joogitaanka maleeshiyada ee degmadaasi.

Ka dib weerarkii ballaarnaa ee Sabtidan ay Shabaabku ku qaadeen fariisimaha ciidamada ee duleedka Teedaan ayaad mooddaa in ay sii xoojisay dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee bariga Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc