Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo beeniyay in lacag laga qaadayo maraakiibta mara Badda Cas

Xuutiyiinta Yemen oo beeniyay in lacag laga qaadayo maraakiibta mara Badda Cas

by Laacib

Xuutiyiinta Yemen ayaa beeniyay wararka sheegaya in ururka reer Yemen uu wado qorshe ay ku canshuurayaan maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Bab El-Mandeb iyo Badda Cas.

Ururka ayaa sheegay inaanu jirin wax qorshe ah oo ay ku doonayaan inay lacago uga qaadaan maraakiibta maraya Badda Cas, iyagoona sheegay in marinka biyahaasi uu weli yahay mid bilaash ah.

Diidmada ayaa waxaa lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay Xarunta Isku-dubaridka Howlaha Bani’aadantinimada (HOCC) ee ay maamulaan Xuutiyiintu, taas oo kormeerta dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Marinka Bab El-Mandeb.

HOCC ayaa sheegtay in adeegsiga marinka uu yahay mid ikhtiyaari oo bilaash ah, iyadoo raacisay in qof kasta oo lacag ka dalbada marinkaasi uusan metelin Yemen ama HOCC. Waxay ku boorisay shirkadaha maraakiibta inaysan bixin lacag ama aysan macluumaad la wadaagin dhinacyo aan loo idman inay howshaas qabtaan.

Bayaanka ayaa daba socda warbixin ay Wakaaladda Wararka Reuters qortay Arbacadii, iyadoo soo xiganeysa ilo wareedyo gobolka ah oo sheegaya in Xuutiyiinta ay ka fiirsanayaan inay lacago ku soo rogaan maraakiibta ka gudbaya marin biyoodka, sagaal maalmood ka dib, markii ururku uu ku dhawaaqay xayiraad dhanka badda ah oo ka dhan ah Dekedaha Sacuudiga.

Marin biyoodka Bab El-Mandeb, oo ah albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas ayaa isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaana adeegsada maraakiibta booyadaha shidaalka iyo kuwa kale ee shixnadaha ganacisga ee u kala gooshaya Asia, Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Badda Cas ayaa si weyn hoos ugu dhacay, ka dib markii Xuutiyiinta ay ku weerareen maraakiib lala xiriiriyay Sacuudiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc