Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Kalfadhigga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa khudbad ka jeediyay Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka, wax ka bedelkii iyo dhameystirkii horaantii sanadkan lagu sameeyay Dastuurka KMG, iyadoo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare ay dhageysanayeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in la sii wadi doono dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, oo fure u ah in laga adkaado argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku celiyay go’aanka dowladdiisa ee hirgelinta doorashooyinka toos ah oo waafaqsan rabitaanka shacabka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay, si loo xoojiyo ka qaybgalka muwaadiniinta.
“Doorashooyinkii ka qabsoomay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo tartanka doorasho ee hadda ka socda weli Dowlad Goboleedka Galmudug, waxay caddeynayaan in Somaliya ay ka gudubtay xilligii ay doorashadu ku koobneyd heshiisyo siyaasadeed oo cid gaar ah yeelato. Waxaan u tallaabsanay hannaan muwaadinka Soomaaliyeed uu codkiisa leeyahay qiimi sharci ah iyo mid sinnaan ah, taas waa guul dastuuri ah, waa guul dimoqraadi ah, waa guul ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ku amaanay inay qaateen masuuliyadda ah in la dhameystiro Dastuurka Jamhuuriyadda, ka dib sanado badan oo uu soo jiitamayay dhameystirkiisa.
“Muddo dheer shacabka Soomaaliyeed waxay sugayeen in la helo hannaan doorasho oo dadweynuhu ay ku soo doortaan wakiiladooda. Waxay sugayeen dadka Soomaaliyeed in Somaliya ay yeelato sharciyo casri ah oo la jaan-qaadayo dowladnimada casriga ah. Waxay sugayeen Baarlamaan ka shaqeeya mustaqbalka dalka, halkii uu ku mashquulsanaan lahaa khilaafaad siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn. Intaas oo masuuliyaddooda ah idinka oo tixgelinaya ayaa waxaad noqoteen Baarlamaankii qaatay masuuliyaddaas, isla-markaana xaqiijiyay gudashadeeda. Waxaad noqoteen Baarlamaankii dhameystiray dib-u-eegista Dastuurkii KMG ahaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in siyaasiyiinta qaarkood ay ka horyimaadaan dhameystirka iyo ansixinta dastuurka cusub, xilli sida uu sheegay uu mudnaan u leeyahay horu-socodka dalka, taasoo uu sheegay in laga gudbi doono.
