Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa galabta muddeeyay waqtiga la qabanayo Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kalena uu guddigu shaaciyay shuruudaha laga doonayo xubnaha daneynaya jegadaasi.
Guddiga ayaa sheegay in 5-ta illaa 6-da bishan la diiwaangelinayo musharaxiinta, in 8-da bishan la bixin doono shahaadooyinka musharaxnimada iyo in 10-ka bishan ay u asteeyeen maalinta doorashada ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Shuruudaha laga doonayo musharaxa
1. In uu xubin ka yahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.
2. In da’da Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka aysan ka yaraan shan iyo soddon (35) sano.
3. In labadiisa waalid ay yihiin muwaadiniin Jahuuriyadda Federaalka Somaliya.
4. In uusan/aysan qabin xaas/nin ajnabi ah.
5. In musharaxa haysta jinsiyad dal kale uu caddeeyo ka noqoshada jinsiyaddaas, haddii uu ku guuleysto Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.
6. In uu caddeeyo hantida uu leeyahay, una gudbiyo hab qoraal ah Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.
7. In uu keeno codsiga musharaxa, taariikh nololeed (CV), nuqulka aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card), labo sawir iyo warqadda caddeynta lacag bixinta ee Bankiga Dhexe.
Guddiga ayaa sheegay in musharaxa is diiwaangelinaya, haddii uu nin yahay laga doonayo in uu bixiyo kharash dhan soddon kun oo dollar ($30,000) oo aan celis lahayn, isla-markaana uu ku shubo xisaabta furan ee Lr. 127 ee Golaha Shacabka ku leeyahay Baanka Dhexe.
“Haddii Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS dumar tahay, kharashaadka diiwaangelinta waa $15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar).” Ayuu guddigu ku sheegay warqad la soo dhigay bogga Golaha Shacabka.
Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta kulankoodii 1aad ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed u doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga.
Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood ayay laba ka mid ah yihiin haween, iyadoo ayna Axaddii magacawday Gudoomiye 1aad Kuxigeenka ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo hadda ah Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka.