Home Dhacdooyin Ex Madaxweyne Bashar Al Assad oo dil lagu xukumay

Ex Madaxweyne Bashar Al Assad oo dil lagu xukumay

by Laacib

Maxmakad Suuriyaan ah ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar Al Assad isaga oo aan goobta ku sugneyn, iyadoona lala xukumay xubno kale.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay Ex Madaxweyne Bashar Al Assad, walaalkiis Maher Al Assad iyo dhowr sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii hore, ka dib markii lagu helay dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada, dilal sharci darro ah, xarig iyo jirdil loo gaystay carruur.

Maxkamaddan oo ku taala Caasimadda Dimishiq ayaa xubnaha kale ee dilka ku xukuntay waxaa ka mid ah nin ay ilmo adeer yihiin Bashar Al Assad oo lagu magacaabo Atef Najib, oo ahaa Madaxa Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Daraa. Atef Najib ayaa ah shakhsiga keliya ee isagoo xiran lagu xukumay dil.

Xubnaha kale ee la xukumay ayaa kala ah Fahd Jassem Al Freij, Mohammed Ayman Ayoush, Louay Al Ali, Qusai Ibrahim Mhayoub, Wafiq Saleh Nasser iyo Talal Fares Al Asimi, kuwaas oo maqaneyaal ah.

Garsoore Fakhr Al Din Al Aryan ayaa sheegay in doorka Madaxweyne Assad ee dembiyadaas uu ahaa shakhsiga ugu sarreya ee go’aanada gaara, isagoo intaasi ku daray inuu adeegsaday hay’adaha dowladda, si uu u fududeeyo gaysashada dembiyadaasi.

Garsooraha ayaa sheegay in maxkamaddu ay Madaxweynihii hore ku heshay dembi ah dil ula kac ah oo loo gaystay dad badan oo carruur ay ku jiraan, xarig aan loo meel dayin iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee Caddaaladda, Abdul Basit Abdul Latif ayaa sheegay in xukunkani uu yahay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka bedeleysa habka loo xaqiijinayo inay caddaalad helaan dhibaneyaasha iyo xoojinta sarreynta sharciga.

Dad fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xarunta Maxkamadda Caddaaladda ee Dimishiq, iyagoo u dabaal-degaya xukunka dilka ah ee ay maxkamaddu ridday.

Bashar Al Assad iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa isaga cararay dalka, ka dib markii awoodda laga tuuray 8-dii bishii December ee sanadkii 2024.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc