Gudoomiye 1aad Kuxigeenka ee Golaha Shacabka ahna Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubno kale ayaa maanta kormeeray goobta lagu wado in lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Sacdiya Yaasiin, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa soo indha-indheeyay goobta loo diyaariyay in lagu qabto doorashada.
“Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta diyaargarowga goobta, habraacyada doorashada iyo agabka loogu talagalay in lagu hawlgalo maalinta doorashada, si loo xaqiijiyo in dhammaan howlaha doorashadu ay u dhacaan si habsami leh, hufan oo waafaqsan habraacyada iyo xeerarka u degsan Golaha Shacabka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.
Warka ayaa lagu sheegay “Masuuliyiinta ayaa inta uu kormeerku socday soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee goobta, iyagoo qiimeeyay diyaargarowga farsamo iyo hab-maamuus ee la xiriira qabsoomidda doorashada, gaar ahaan nidaamka codbixinta, goobaha ay ku hawlgeli doonaan guddiga doorashada iyo agabka loo diyaariyay Xildhibaanada.”
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniinta Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ku dooranaya Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee bedelaya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo bishii June loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada ayaa loo diyaariyay in qaab qarsoodi ah ay ku doortaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
