Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerar lagu qaaday xarun shidaal oo Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ay leedahay, taas oo ku taala Magaalada Jizan ee Koonfur Galbeed Sacuudiga.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay Axaddan beegsadeen warshadda shidaalka sifeysa ee Shirkadda Aramco leedahay ee Jizan (Jazan).
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad drone ah, isla-markaana uu jawaab u yahay xadgudub ay diyaaradaha Sacuudiga ku soo sameeyeen hawada Magaalooyinka Saada iyo Hajjah ee Waqooyi Galbeed Yemen.
Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa saaka sheegtay in dab uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha shidaalka lagu sifeeyo ee magaalada dekedda leh ee Jizan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la demiyay dabkaasi, balse ma aysan sheegin sababta keentay dabka.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay Xuutiyiintu sheegtaan, isla-markaana lagu beegsado xarumaha tamarta iyo maraakiibta shidaalka Sacuudiga ee ka gudbaya marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sacuudiga ayaa weeraro gantaalo iyo drones ah kala kulmaya dalka ugu saboolsan ee dunida Carabta, iyadoo weeraradaasi ay halis gelinayaan dhaqaalaha boqortooyada ee ku tiirsan iibinta shidaalka.