Home Wararka Caalamka Xarunta Gaaska ee Shirkadda Aramco ee Jubail oo gubaneysa

Xarunta Gaaska ee Shirkadda Aramco ee Jubail oo gubaneysa

by Laacib

Qarax xoogan ayaa saaka laga maqlay Magaalada Warshadaha Jubail ee Bariga Sacuudiga, ka dib markii la bartilmaameedsaday Xarunta Gaaska ee Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in la bartilmaameedsaday Xarunta Gaaska laga maamulo ee magaaladaasi, taas oo sababtay in dab ka kaco goobtaasi.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dab aad u weyn oo ka kacay goobta, isla-markaana gubaneysa.

Dhacdadan ayaa hoosta ka xariiqeysa in weerarku uu yahay kiisii ugu horreyay ee lagu qaado Xarumaha Gaaska Sacuudiga, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ay Xuutiyiinta Yemen weeraro ku hayeen kaabeyaasha kale ee batroolka dalkaasi.

Jubail waxay ku taal Gacanka Faaris, waana magaalo deked leh, isla-markaana ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Sacuudiga.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa 25-kii bishii July bilaabay inay beegsadaan kaabeyaasha tamarta ee boqortooyada, ka dib duqaymihii habeenimada 24-kii July lagu beegsaday Dekedda Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa 20-kii bishii July xayiraad dhanka badda ah ku soo rogay Dekedaha Sacuudiga oo jawaab u ahayd, wax ay ku tilmaameen go’doomin uu Sacuudigu saaray Yemen, eedeyntaas oo Riyadh ay beenisay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc