Home Wararka Caalamka Dhowr gantaal oo lagu weeraray Dekedda Mokha

Dhowr gantaal oo lagu weeraray Dekedda Mokha

by Laacib

Wararka ka imanaya dalkaasi Yemen ayaa sheegaya in maanta la weeraray Dekedda Mokha, iyadoo la adeegsanayo gantaalo.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr gantaal ay ku dhaceen xaafado ku yaala meel u dhow Dekedda Mokha iyo in ugu yaraan hal gantaal uu gudaha ugu dhacay dekeddaasi.

Wakaaladda Wararka Yemen ee Saba ayaa sheegtay in Xoogaga Xuutiyiinta ay weerareen dekedda, balse ay gantaaladoodu ku dhaceen xaafado ay dadku degan yihiin.

Wakaaladda Wararka Saba ayaan tafaasiil ka bixin khasaaraha nafeed ama burburka hantiyadeed ay gantaaladu gaysteen.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya in gantaal uu ku dhacay bartamaha dekedda, halkaas oo qiiq uu cirka isku shareeray.

Muuqaal kale ayaa laga arki karaa in gantaal labaad uu ku dhacay meel dekedda dhinaceeda ah, isla-markaana uu dab ka holcaayo.

Ururka Xuutiyiinta ayaan markiiba sheegan masuuliyadda weerarka.

Mokha waa magaalo dekedeed oo ku taala Koonfur Galbeed Yemen, iyadoona saaran Badda Cas, waxayna 75km dhanka waqooyi uga beegan tahay marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Magaaladan iyo dekeddaba ayaa waxaa gacanta ku haya oo maamula Ciidamada Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc