Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Odayaasha Dhaqanka (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Odayaasha Dhaqanka (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Odayaasha Dhaqanka ay ka qaadanayaan qabsoomidda gogosha dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada reer Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada.

Maamulka Aadan Madoobe ayaa Isniintii ku baaqay wada hadal iyo is faham lagu xallinayo xiisadaha siyaasadadeed kuwa amni ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

“Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka iyo Odayaasha Dhaqanka, gaar ahaan dadaalada lagu doonayo in lagu dhiso is faham, nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta bulshada Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo intaasi ku daray “Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda la wadaagay Hoggaamiyaha aragtiyo iyo talooyin ku aaddan, sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada, loona xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed.”

Aadan Madoobe ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa doonaya in fursad la siiyo wada hadalka, si loo dhameeyo khilaafka taagan iyada oo aanu wax dhiig ah daadan, isagoona Odayaasha Dhaqanka u arka kuwo gacan ka gaysan kara isu soo dhaweynta dhinacyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc