Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu Dowladda Federaalka ka dalbaday in General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) dib loogu soo celiyo Xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Dowladda Federaalka ayaa muddo bil ah General Cirro u xil saartay amniga Magaalada Baydhabo oo ka bilaabaneysay 15-kii bishii May, iyadoona uu ujeedku ahaa in qaab nabdoon ay ku qabsoomto Doorashada Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo 10-kii bishii June uu ku guuleystay Aadan Madoobe.
Aadan Madoobe ayaa horey u amaanay waxqabadka amni ee General Cirro uu ka sameeyay magaalada, muddadii uu ku sugnaa.
Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ka warqaba in aysan jirin baahi ay hadda Dowladda Soomaaliyeed u qabto janaraalka, ka dib markii ay hoos u dhigtay shaqadiisa ciidamada, lana sheegayo in laga qaaday xilka Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, inkastoo dhanka Dowladda Federaalka aanu ka soo bixin wareegto rasmi ah oo lagu shaacinayo xil ka qaadista jananka.
Wararka ayaa sheegaya in General Cirro ay is qabteen madaxda sare ee dalka, ka dib markii bartamihii bishii June ay Dowladda Federaalka ka soo celisay Baydhabo, isla-markaana uu ka horyimid qorshe loogu waday Magaalada Dhuusamareeb, looguna magacaabi lahaa Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ka cudurdaartay in uu ku milmo khilaaf siyaasadeed iyo mid maamul oo xilligaasi ka taagnaa Galmudug, isla-markaana ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is hayeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Cudurdaarka ama diidmada uu ka muujiyay in uu qayb ka noqdo khilaaf kala gayn kara dadka deegaanka amaba dhaawici kara masiirka amni iyo wadajirka dadka reer Galmudug awgeed ayaa waxay keentay in laga waayo Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.
General Cirro oo dhowrkii sano ee u dambeeyay ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ayaa la sheegaya in muddo laba bil ahba uu ka sii maqan yahay dalka.
Aadan Madoobe oo xiriir adag la leh Villa Somalia ayay wararku sheegayaan in uu madaxda ku riixayo in General Cirro lagu soo celiyo Baydhabo, si uu u hoggaamiyo amniga iyo difaaca magaaladaasi.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in aan weli laga jawaabin dalabka Aadan Madoobe, walow Dowladda Soomaaliyeed ay taageero weyn u muujisay maamulkiisa cusub.
Aadan Madoobe ayaa la fahamsan yahay in uu gacan siyaasadeed iyo mid amni oo xoogan uu ka helayo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin haddii aan la aqbalin dalabkiisii ugu dambeeyay, waxay ka dhigan tahay in ay jiraan waxyaabo mudan in laga horreysiiyo danaha maamulka uu madaxda ka yahay.