Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Xerada Militariga Maslax (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Xerada Militariga Maslax (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada Militariga Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war qoraal ah ku sheegay in Taliyuhu uu booqasho iyo kormeer shaqo ku tegay xeradaasi.

“Taliyaha Ciidanka, isaga oo ka duulaya howlaha mudnaanta u leh ciidanka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada taakulaynta, ayaa indha-indheeyay xarumaha iyo goobaha loogu talagalay taageerada iyo taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Saraakiisha Taliska Taakulaynta, oo uu ugu horreyo Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garabey ayaa Taliyaha warbixin ka siiyay howlaha ugu dambeeyay ee taliska, qorsheyaasha casriyeynta iyo horumarinta adeegyada taakulaynta iyo qorshaha lagu soo kordhinayo xarumo cusub oo casri ah, si loo xoojiyo waxqabadka Taliska Taakulaynta.”

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Xerada Maslax ayaa imanaya, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wadan deegaanka Basra oo ku yaala xadka Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Xerada Maslax ayaa ah xarun ciidan, laguna tababaro Ciidamada Qalabka Sida, waana saldhig militari oo muhiim u ah amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc