Home Wararka Maanta Fartaag oo la kulmay Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada qaarkood

Fartaag oo la kulmay Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada qaarkood

by Laacib

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Arbacadan Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari.

Wasiir Fartaag ayaa bartiisa Facebook ku daabacay “Waxaan maanta la kulmay Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Waqooyi-Bari, kuwaas oo Magaalada Muqdisho u jooga ka qeybgalka Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, oo 1–2 Sebteembar 2026 ka socda Muqdisho, loogana hadlayo xoojinta amniga gudaha, isku-xirka hay’adaha amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Shirweynaha Amniga Qaranka oo Talaadadii ku furmay Caasimadda Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa xoojina amniga, horumarinta laamaha amniga iyo iskaashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa looga gol leeyahay adkeynta xasilloonida dalka iyo isku-duwidda laamaha amniga, iyadoo uu geba-gabo ku dhow yahay Hawlgalka AUSSOM.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc