Home Wararka Maanta Masuuliyiin hore oo ciidanka Laftagareen ku booqday duleedka Baydhabo (SAWIRRO)

Masuuliyiin hore oo ciidanka Laftagareen ku booqday duleedka Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta duleedka Magaalada Baydhabo ku booqday ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee halkaasi ku sugan.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ay kormeer dhiirigelin ah ugu taggeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee fariisamaha ku leh buu yiri hareeraha Baydhabo.

“Wafdiga oo ay qayb ka ahaayeen Afhayeenka Dowladda iyo Gudoomiyeyaasha Baydhabo iyo Waajid ayaa ciidanka ku amaanay geesinimada iyo adkeysiga ay muujinayaan, iyagoo ku dhiirigeliyay sii xoojinta halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.

Ugaas Xasan Cabdi ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku sheegay “Masuuliyiintu waxay sidoo kale ciidanka kula dardaarmeen ilaalinta shacabka iyo sii wadidda hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Salbalaar iyo Af-Balaar.”

Tani waa farriin diidmo ah oo garabka mucaaradka ee Laftagareen uu hoggaamiyo ay ku qaadacayaan baaqa Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu ugu jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka taagan loolan siyaasadeed iyo mid ciidan oo u dhexeeya maamulka cusub iyo hoggaankii hore.

Laftagareen ayaa Khamiistii ku celiyay in uu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, xoogna ay dib ugu qabsan doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc