Home Wararka Maanta Xero militari oo laga furayo Baardheere, xilli uu loolan u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Xero militari oo laga furayo Baardheere, xilli uu loolan u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay xero cusub oo ciidamada lagu tababaro ka furto Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, ayna ku jiraan Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Ciise Axmed iyo Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Technology-ga Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Cartan ayaa Axaddii shalay gaaray Baardheere.

Xeradan ayaa loogu talagalay in lagu tababaro cutubyo cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa Taliska Qaybta 43aad ee ka hawlgala deegaanada Jubbaland.

Saraakiisha Ciidaka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa kuu sheegaya in dhallinyaro cusub lagu diyaariyay Degmada Baardheere, kuwo kalena ay ka iman doonaan deegaano kale oo Caasimadda Muqdisho ay ku jirto, si loogu tababaro xerada laga furayo degmadaasi.

Nin Sarkaal ah oo codsaday inaanan la soo xigan ayaa Universaltv u sheegay in Baardheere laga bilaabayo hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, laguna xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta Dowladda Federaalka.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Baardheere ayaa lagu xoojinayaa isku xirka iyo dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka, si ay degmadu u noqoto saldhig weyn oo laga hago hawlgalada dhowr gobol.

Gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray loolan dhanka maamulada maxaliga ah ee degmooyinka iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, una dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Loolanka labada dhinac ee ku aaddan gacan ku haynta Gobolka Gedo ayaa ah mid qoto dheer, dhawaana isu bedelay weji cusub oo xasaasi ah.

Khilaafka ugu weyn ee xiisadda sii huriyay ayaa ka dhashay qorshaha Dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay doorasho qof iyo cod ah uga qabato gobolka, iyadoo adeegsaneysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, halka Jubbaland iyo masuuliyiinta maamulada degmooyinka qaar ay diidan yihiin qorshahaas, iyagoona ku xiraya shuruud ah in ogolaansho iyo wada-xaajood dhab ah lala sameeyo Madaxtooyada Kismaayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc