Home Wararka Maanta General Sahal Cabdullaahi oo kormeeray goobaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo

General Sahal Cabdullaahi oo kormeeray goobaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo booqasho ku jooga Magaalada Baydhabo ayaa kormeeray fariisimaha ay Ciidamada Qalabka Sida ku leeyihiin bannaanada magaaladaasi.

Ciidamada oo degan darafyada magaalada iyo waddooyinka laga soo galo ayaa ka ilaaliya amniga Baydhabo, si ay uga hortaggaan khataraha amniga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qiimayn ku sameynayay qaabka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay isaga kaashanayaan howlaha sugidda amniga iyo difaaca magaalada.

Magaalada ayaa billihii u dambeeyay isu bedeshay goob ay ku loolamaan maamulka cusub ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo iyo hoggaankii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab oo isku dhafan ayaa lagu eedeeyay in ay qalqalgelinayaan amniga magaaladaasi.

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale iyo Saraakiil kale.

Si kastaba ha-ahaatee Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Taliska Qaybta 60aad iyo hay’adaha ammaanka kala shaqeynaya dadaalada lagu adkeynayo amniga magaalada iyo deegaanada hoostaga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc