Home Dhacdooyin Bannaanbax lagu muujinayo taageerada loo hayo Turkiga oo ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)

Bannaanbax lagu muujinayo taageerada loo hayo Turkiga oo ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Bannaanbaxan oo lagu taageerayo doorka Turkiga ee garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Bannaanbaxa oo ahaa mid uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maamulka Gobolka Baay, kan degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ujeedka ayaa ahaa in Dowladda Turkiga looga mahadceliyo taageeradeeda hagar la’aaneed ee dalka iyo xiriirka adag ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliyeed.

Masuuliyiintii la hadlay dibadbaxayaasha ayaa si isku mida u sheegay in dadka reer Baydhabo iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ay dareen iyo taageeraba u qabaan dowladda iyo shacabka Turkiga.

Turkiga oo lagu tilmaamo saaxiib muhiim ah oo Somaliya ay leedahay ayaa ka taageera dhinacyada amniga, difaaca, dib-u-dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Qalabka Sida, horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Xiriirka labada dal ayaa meeshii ugu sarreysay gaaray dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay.

Turkiga ayaa Muqdisho ku leh saldhigga ugu weyn ee militari ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waana Xerada Militariga TURKSOM iyo dhismaha safaaradeed ee ugu weyn ee caalamka uu ku leeyahay.

Turkiga oo xulafo la ah Somaliya ayaa door hoggaamineed ka qaata dhismaha iyo xoojinta ee awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, waana dowladda maalgashiga ugu ballaaran ku sameysata Somaliya. Turkiga ayaana ku howlan, sidii uu shidaal uga soo saari lahaa xeebaha dalka.

Bannaanbaxa Baydhabo ayaa imanaya, ka dib markii xulafada Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay Turkiga ku eedeeyeen in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si guracan u adeegsaneyso taageeradiisa militari.

Mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo ayaa si adag Turkiga ugu eedeeyay in uu ka masuul ahaa duqayntii xagga cirka ee 3-dii bishan loo gaystay hoyga uu Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) uu ka deganaa Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc