Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta oo laga riixay aagga Marinka Bab El-Mandeb

Xuutiyiinta oo laga riixay aagga Marinka Bab El-Mandeb

by Laacib

Ciidadamada Dowladda Yemen oo gacan ka helaya Ciidamada Sacuudiga ayaa Isniintan sameeyay horumar degdeg ah, iyagoona la wareegay deegaanada ku teedsan xeebaha galbeed ee dalkaasi ee dhaca Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb.

Taliska Militariga Yemen ayaa sheegay inay Xoogaga Xuutiyiinta dib uga qabsadeen inta badan goobihii ay la wareegeen bishii hore ee September.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dib ugu guranayaan dhulka buuraleyda ee dalkaasi, isla-markaana ay ciidamadu qarka u saaran yihiin inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada dekedda leh ee Mokha.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ciidanka Cirka Sacuudiga ay gacan weyn ka gaysteen horumarka degdegga ah ee ay maanta ka sameeyeen dagaalka.

Ciidamada Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa sidoo kale la wareegay magaalada yar ee Dhubab, taas oo ku taala afka marin biyoodka Bab El-Mandeb, oo ah marin muhiim oo saliidda ah oo Xuutiyiintu ay la wareegeen bishii September, taasoo cabsi hor leh ka abuurtay suuqyada tamarta.

Tallaabada Xuutiyiinta looga riixay aagga xeebta ee ku xeeran marin biyoodkan, inkastoo ay hoos u dhigeyso in ay carqaladeeyaan isu socodka maraakiibta shidaalka iyo kuwa shixnadaha badeecadaha ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, haddana waxay weli awoodaan inay dhulka ka fog xeebta ka weeraraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Xuutiyiinta ayaa haysta diyaaradaha drones-ka iyo gantaalada ballaastikada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc